Wasaarada Amniga oo Dad u xirtay qaraxii ka dhacay Isgooska Zoobe


wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islaaw oo la hadlay Saxaafada aya Sheegay in Howlgal ay sameeyeen Ciidamada Dowlada Soomaaliya ay gacanta ku soo dhigeen Shaqsiyaad la Sheegay inay ka Dambeeyeen Qaraxii dadka Shacabka ahaa ee lagu xasuuqay Isgooska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.


Sidoo kale wasiirka ayaa waxaa Xusay In Dhawaan ay Warbaahibnta u soo bandhigi doonaan Dadka Ay Gacanta ku soo dhigeen Ama loo xeray qaraxii lagu dhameeyay Dadka Shacabaka ahaa.


Dhinaca Kale Dowlada Soomaaliya ayaa weli Wado dadaalo loogu gurmanayo dadka ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay isgooska Soobe ee Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*