Feysal Cali Waraabe Oo Wacad Ku Maray in Hadii aysan Puntland Faragelinta ka joojin Doorasha Somaliland ay gacanta ku dhigi doonaan Garoowe


Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ucid eng, feysal Cali Waraabe oo Khudbad u jeedinayay boqolaal ka mid  ah taageerayaasha xisbigiisa ayaa soo hadal qaaday arimaha gobolka ay deriska ay Ka Mid yihiin ee Mamulka puntland iyo sidoo kale Arimo ku wajahan dowlada dhexe ee soomaaliya


Eng:Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ka feysal ahaan hadii uu ku guuleysto jagada u sareysa ee maamulka Soomaliland Islamarkaana uu  u tartamayo hogaanka Somaliland qaban doono sida uu  sheegay shirweyne uu ku heshiisiinayo siyaasiyiinta iyo madaxda soomaliya


Feysal ayaa sidoo kale digniin u jeediyay madaxda maamulka ay deriska yihiin ee puntland oo uu  uga digay in ay fara gelin ku sameeyaan doorashada madaxtinimo ee Somaliland,hadii ay joojin waayaan ay tilaabo ka qaadi doonaan ,isagoona ku hanjabay hadii puntland isku daydo ay qabsan doonaan magaalada garoowe ee xarunta maamulka puntland Waa Sida uu Hadalka u Dhigay

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*