AMISOM oo dad rayid ah ku laayay deegaanka Lafoole


Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan AMISOM ay dad rayid ah ku laayeen deegaankaas, kaddib markii qarax lala eegtay kolonyo ay la socdeen oo ku safrayay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.


Wararka ayaa sheegaya in qaraxa kaddib ay is rasaaseyn dhex martay Ciidamada AMISOM iyo koox hubeysan oo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab oo jidka u galay.

Goob joogayaal ayaa noo sheegaya in Ciidamada AMISOM ay gudaha u galeen Xaafada deegaanka Lafoole, halkaasoo rasaas laga maqlayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada ay si ula kac ah u toogteen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Lafoole.

Ilo madax banaan ayaa sheegaya in dadka ay dileen Ciidamada AMISOM ay gaarayaan 13 ruux oo rayid ahaa.


Xaalad ayaa ah mid kacsan iyadoo rasaas laga maqlayo xaafadaha oo ay gudaha u galeen Ciidamada AMISOM.

Iyadoo oo jirto markey ciidamada amison qasaaro ay dareemaan in ay ka arsadaan shacabka aan waxba galabsan dhiigooda aan dib looga wareeysan

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*