Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka Ambabaxay Muqdisho


Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Turkiga.

Waxaa uu casuumaad rasmi ah ka helay dowladda Turkiga sida ay shaaciyeen Mas’uuliyiinta dowladda.


Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xaaladihii ugu dambeeyay Soomaaliya.


Mudane Xasan Cali Kheyre waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiiro, Xildhibaano iyo Masuuliyiin kale, isagoo inta uu joogo dalka Turkiga lagu wado inuu kulamo la qaato madaxda dalkaasi.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*