Faah faahin: Dad Miino kula Qaraxday Balcad


 Wararka ka imaanaya Tuulada Basra ee degmada Balcad Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay saqdii dhexe laga maqlay Qarax aad u weyn, iyada oo Qaraxan nuuciisa lagu sheegay Miinada dhulka lagu aaso.


Miinada ayaa waxa ay ku Qaraxday Afar qof oo la sheegay in ahaayeen dadkii dhigayay, kuwaasi oo isla goobta ku naf waayay, waxaana saakay jirkooda oo go’go’ay lagu arkay goobtii uu Qaraxa ka dhacay.


Warar Madax banaan ayaa waxa ay sheegayaan in Miinada la doonayay in lagu Qarxiyo Gaadiidka Ciidanka Dowladda ay wataan ee isticmaala wadadaasi.

Ururka Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay wadadan Qaraxyo kula beegsadaan kolonyada ay wataan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhanka kale Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe maanta waxaa ka dhacay Banaanbax balaaran, kaasi oo shacabka ay ku muujinayeen sida uu muhiim ugu yahay in dib u dhis lagu sameeyo Isbitaalka degmada Balcad.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*