Guddiga Difaaca Baarlamaanka oo Booqday Saldhiga Turkiga ee Muqdisho


Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta booqday Saldhiga Dowlada Turkiga ee Magaalada Muqdisho, halkaas uu ka socdo tababar tayo sare leh oo la siinayo ciidamo gaaraya 400 oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen iyo ciidamo.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa kulan la qaatay Saraakiisha Dowlada Turkiga ee Tababar bixineysa, isagoo ka dhageystay Warbixin ku saabsan habka Tababarka uu socdo.

Xuseen Carab Ciise ayaa la hadlay Ciidamada Tababarka uu u socdo, isagoo ku dhiiri galiyay inay ka faa’iideystaan Tababarkan heerkiisu uu sareeyo, maadaama ay yihiin geesiyada difaaci doona dalka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*