Dagaal Dhex Maray Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye


Warbixino laga Helaayo Degmada Afgooye ayaa Sheegaya in Iska horimaad u dhexeeya Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose uu Goor dhow ka dhacay Magaalada Afgooye,waxaana la sheegay in isku dhaca uu geystay Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac isugu jira.


Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Bartamaha Magaalada Afgooye ay kuwada Dagaalameen Qasnajiga Degmada iyo Xisaabiyaha Degmada Afgooye ka dib markii uu muran soo kala dhex galay,waxaana ku dhintay Iska horimaadka mid kamid ah Shaqaalaha Maamulka Degmada Afgooye,iyadoo  uu dhaawac soo gaaray mid kamida Mas’uuliyiintii Dagaalamay.


Dhinaca kale Xaaladda Degmada Afgooye ayaa maanta ah mid Kacsan,waxaana Degmada laga dareemayaa Xiisadda ka dhalatay Dagaalka dhexmaray Mas’uuliyiinta ka wada tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Dhanka kale waxaa isla Degmada Maanta lagu dilay Nabaddoon Caan ka ah Degmada Afgooye oo Magaciisa lagu soo koobay Nabaddoon  Ibraahim Tabliiq,waxaana la sheegay in Dilka ay geysteen Dableey Bastoolado watay.

Ugu danbeeyntii Degmada Afgooye waxaa ku soo kor-dhay Falal Ammaan daro,waxaana la sheegay in la Boobay Goobo Ganacsi oo Degmada ku yaalla Habeenadii la soo dhaafay.Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye iyo kan Koofur Galbeed oo ku aadan Iska-horimaadka iyo Dhaca magaalada Afgooye ka dhacaya Wana shaqo xumo ka jirto dhanka mamulka

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*