SAWIRO:Shir weyne looga hadlayo Ammaanka Somaliya Oo Maanta Ka Furmay Muqdisho


Wararka laga Helaayo Xarunta Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo  ka furay Shir weyne looga hadlayo Ammaanka Soomaaliya,waxaana ka qeyb galay Madax ka tirsan Dowladda Federaalka ,Madaxweyneyaasha Maamul Gobolleedyada,Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida iyo Xubno ka socda Beesha Caalamka.

Shirkaan ayaa ah mid diiradda lagu saarayo wixii ka qabsoomay Shirkii Magaalada London lagu qabtay Bishii May ee Sanadkaan,waxaana si gaar ah loogu lafo guri doonaa Qodobka la xiriira Ammaanka iyo wixii ka qabsoomay Shirkii London ka dib.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Gobolleedyada ayaa Qudbado dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay Shirka,waxaana la filayaa inuu socdo Maanta illaa Berri.



Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*