Garabkii Hore ee Ahlusuna Oo Ka Horyimid Heshiiskii Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna


Heshiiskii dhawaan  ay Ku Gaaray  Magaalada Jabuuti ee Dalka Jabuuti  Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna Waxaa  ka horyimid garabkii hore Ahlusuna ee heshiis horey ula galay Maamulka Galmudug.

Sheekh Cumar Sheekh C.qadir Guddoomiyaha Golaha Talada  Ex Maamulkii Ahlusunna oo la Warbaahinta  ayaa  sheegay inay ka soo horjeedaan heshiiskii ay wada gaareen Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale geelle xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Gobalada Dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir.


Sidoo kale Waxaa uuna tilmaamay in heshiiskaasi uu ahaa mid sharci daro ah,islamarkaana waxa la weydiiyay sheekha halka ay haatan ka taliyaan garabka uu sheikh Cumar u hadlayo waxaa uuna sheegay in deegaano badan ka tirsan Gobalka Galgaduud ay iyagu maamulaan


Hase ahaatee Wax war ah kama Soo Bixin Madaxda sare ee Mamulka Ahlusuna.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*