Nabadoon Caan Ka ah Degmada Baraawe Oo La Dilay


Wararka Laga Helaayo Magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa Sheegaya in Kooxo Ku Hubeysan Bastolada ay Ku Dileen Degmadaasi Nabadoon Caan Ka ahaa magaaladaasi.


Ninka la dilay ayaa magaciisa waxaa lagu Sheegay Xaajow Muukow,waxaana la sheegay inta aan dilka loo geysan nabadoonka ayaa waxaa dhacday in kooxaha dilka geysanaya waxaa ay iska dhigeen dhalin yaro kubada ciyaaraha,kadibna marka uu nabadoonka ka soo baxay masjidka ayaa la dilay nabadoonka.

Kooxihii dilka geysatay ayaa waxaa la tilmaamay in goobtii ay dilka ka geysteen ay ka baxsadeen,iyadoona markii dambe ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan dowlada federaalka soomaaliya oo halkaasi howlgalo ka sameeyay.


Mana jiraan iyo hada cid loo soo qabtay dilka nabadoonka,inkastoo maamulka degmada ay sheegeen inay baadi goobayaan kooxihii dilka u geysatay nabadoonka.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*