SAWIRO:Madaxweyne Ku Xigeenka Hir-Shabeelle Oo La Kulmay Saraakiil Ka Socota Booliiska Soomaaliya


 Madaxweyne ku xigeenka  Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa  Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulkaas  kula kulmay Saraakiil ka socota ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.


Saraakiishaan oo uu la qaatay kulanka  ayaa waxa ay tababar siiyaan ciidamada Booliiska ee Maamulka Hir-Shabeelle.

Madaxweeyne Ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa Saraakiishaan kala hadlay tababarada ay siiyaan Ciidamada Booliiska Hir-Shabeelle iyo wadashaqeynta kala dhaxeysa ciidamada Booliiska Soomaaliya iyo kuwa Hir-Shabeelle Waxaana uu Ka codsaday in Si Wanaagsan Loo Tababaro Ciidamada Boliska Hirshabeelle.


Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*