Nadiyada Manchester United iyo Man City Oo Noqonaya kulankii ugu Qaalisanaa ee lacayaaro kubada Cagta caalamka


Maalinka Axada ah ee bishaan ay ku beegantahay 10 waxaa dhici doona kulan Cayaareedkii ugu qaalisanaa ee  soo mara Kubada Cagta Caalamka oo dhan waxaana isaga hor imaan doona labada kooxood ee kawada dhisan Magaalada Manchester ee kala ah Manchester United iyo Manchester City.

Kulan cayaareedkaan waxaa isaga hor imaan doonta Cayaartoy qiimo ahaan kor u dhaafeysa aduun lacageed gaaraya £700m.waxaana uu ka dhici doonaa Garoonka Old Trafford ee Magaalada Manchester waana kii ugu qaalisanaa ee abid dhaca.

Cayaarta ugu qaalisan caalamka oo dhan waxaa ka maqnaan doona Cayaaryahanka qiime ahaan ugu sareeya ee Paul Pogba kaas oo ku fadhiya £93m Ganaax ayuuna ku seegi doonaa waxaa kaloo Cayaartaan aan dheeli doonin £50m John Stones £49m Benjamin Mendy iyo £28m Luke Shaw kuwaas oo dhamaantood dhaawac ku seegi doona.


Marka la eego qiimaha isku darka koox walba ay ku fadhiyaan cayaartoyda ay Garoonka ku soo bilaabi doonaan ayaa 11 ka Manchester City waxay ku fadhiyaan £358.4m halka Manchester United ay ku fadhiyaan £334.2m.


Hadaba aan eegno qiime lacageedka uu ku fadhiyo Cayaaryahan kasta oo Garoonka u soo geli doona labada Naadi ee kala ah Man United iyo Man City?

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*