Maxaa Ka Jiro in Samuel Umtiti uu qandaraas cusub u saxiixi doono Barcelona


Samuel Umtiti ayaa u muuqda inuu qandaraas cusub u saxiixi doono Barcelona iyadoo soo bandhigeyso xiisaha ay u qabto daafaca reer France.


24 jirkaan ayaa kaliya xilli ciyaareedkiisii ​​labaad ee kooxda oo joogo lakiin waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu fiicnaa dhanka diifaaca ee kooxda ka dhisan Nou Camp.


Qaab ciyaareedkiisa difaaca ayaa xiiseynaya kooxaha yurub – sidaas darteed waa qandaraaskiisa lagu burburin karo 50 milyan oo ginni oo ah heshiiskiisa haatan ee horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto daafaca dambeedka dhexe ee reer France Samuel Umtiti heshiis cusub oo ah 3 sano,

Barcelona ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto qandaraas cusub oo ay ku dooneyso inuu sii joogo samuel umtiti oo halbowlo u ah kooxda sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka Marca.

Wargeysyada ayaa sheegaya in wadahadaladii dib u cusbooneysiin loogu sameyn lahaa xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska uu bilaabi doono isbuucyada soo socda.

Umtiti ayaa haatan la maqan dhaawac muruqa ah, waxaana uu wajahayaa muddo bil ah oo ka mid ah ficilada kooxda

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*