Laacibiinta Naadiga Liverpool ee kala ah Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa lasheegayaa…


Xiddigaha kooxda kubada Cagta Liverpool ee kala ah Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa lasheegayaa in ay u Safri doonaan qaarada Africa kana tagi doonaan Naadiga ay u dheelaan.


Labada Cayaaryahan ee kala ah Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa Sababta ay u safri doonaan Waxaa lagu sheegay in ay ka qayb geli doonaan Xaflada lagu bixinayo Cayaaryahanka ugu fiican qaarada Africa oo ka dhacaysa Magaalada Accra ee ah Caasimada dalka Ghana.


Cayaartoyda u tartamaysa Xiddiga ugu fiican qaarada Africa ayaa kala ah Sadio Mane Mohamed Salah iyo Pierre-Emerick Aubameyang Waxaana Macalinka Liverpool  Jurgen Klopp  uu Walaac ka muujiyey Safarka labadiisa Cayaaryahan isaga oo u sheegay in ay seexdaan inta ay diyaarada saaranyihiin iyo marka ay Hotel degaan Waxaana ay soo laaban doonaan 24 Saac kahor inta aysan lacayaarin Jimcaha kooxda Everton.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*