Maxaa Ka Jira In Nadiga Real Madrid ay Baadi Goobayaan Goolhayaha Athlatic bilboa


inkastoo  furitaanka suuqa kala iibsiga ee xagaaga uu bilawday ayey kooxda athletic bilboa dooneysaa ineey la fariistaan goolhayahooda qandaraaskiisa uu dhamaanayo xagaaga.

Waa wax iska cad inaysan jirin wax wada hadalo ah oo dhexmaray Realmadrid iyo Athletic Bilbao oo ku saabsan heshiiska kepa lakiin agaasimsha kooxda Athletic Bilboa ayaa cadeeyay in ciyaaryahanka uu kooxda uga tagi karo kaliya hadii lacagta lagu burburin karo oo ah 20 milyan euro ay bixiso madrid


Siyaasadda madaxweynaha Realmadrid Florentino Perez ayaa ah inuu bixiyay lacag ka badan lacagta lagu burburin karay sida Ceballos oo ay kasoo qaateen Real Betis

Si kastaba ha ahaatee, ilaa iyo haatan Urrutia oo ah madaxweynaha Atletic Bilbao ayaa umuuqda inuu raacayo wadadii uu ku iibiyay Javi Martinez iyo Ander Herrera.


Macalinka Zinedine Zidane wuxuu doonayaa inuu ciyaaryahanka sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo iibiyo si uu ula tartamo dooqa koowaad ee madrid Keylor Navas inkastoo goolhayan dhaawac yar uu qabo.Madaama uu aad u jecelyahay Macalinka Real.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*