Laacibka Arsenal Mesut Ozil Oo Sheegay in uu Sii Joogayo Naadiga Arsenal..


Laacibka  khadka dhexe reer Germany iyo Naadiga  Arsenal Mesut Ozil ayaa u sheegay shabakada “Sky Sports” inuu jecel yahay sii joogi taanka Naadiga  reer London ee Arsenal, islamarkaana uusan ka tagi doonin suuqa Kala iibisiga ee Dhici Doona bisha January.

Waxaa jiray bilooyinkii lasoo dhaafay warar xan ah ee ku aadan in Mesut Ozil oo haatan da’adiisu tahay 29 jir uu doonayo ka dhaqaaqista safka Naadiga Arsenal, gaar ahaan xili uu heshiiskiisa soo Dhamaanayo dhamaadka xili ciyaareedkan.


Mesut Ozil oo si gaar ah ula hadlayay shabakada Sky Sports ayaa wuxuu yiri: “Waxay ii tahay farxad inaan xiro maaliyada Naadiga  weyn sida Arsenal oo kale, waxayna heerkan ku gaaray taariikhda iyo ciyaartoy muhiim ah ee horey u soo xidhay maaliyadeeda.


Sidoo kale Laacibka reer Germany ayaa wuxuu hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Waxaan halkan u imid inaan ka barto wax badan, si aan kor ugu qaado magaca aan ku dhex leeyahay kubada cagta isla markaana aan ugu soo bandhigo awoodeyda ciyaareed Naadiga  reer London, Naadigaan waxa ay I gaarsiiyeen heerka aan haatan joogo, waan ku faraxsanahay inaan u ciyaaro Arsenal.

Dhawaan ayeey ahayd kadib markii uu Arsene Wenger wareysi uu bixiyay ku sheegay: “Waxaan filayaa in Mesut Ozil uu doonayo sii joogi taanka halkan, wuxuuna sidoo kale ku dhawaanayaa inuu qalinka ku duugo heshiis cusub

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*