Xog: Xilka Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Oo La kala Qaadayo


 

 

 Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheere ayaa qorsheenaya in ay gudoomiyaha Gobolka Banaadir u magacaabaan Masu,uul Cusub  Sidoo Kale Waxa ay Doonayaan inay kala qaadaan Duqa magaalada Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo uu haatan isku hayo Guddomiye Taabit.

Madaxweeyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheeyre ayaa Ku Mashquulsan Sidii ay u Kala Qaadi Lahayeen Gudomiyaha Gobalka Banaadir  iyo Duqa Magaalada  Muqdisho  Ayagoo Doonaya in ay u Kala Magacaabaan Laba Masu,uul ,Hase ahaatee Arinkaasi aya Looga Dan leeyahay in la Geliyo Dalka Khal-Khal Siyaasadeed iyo Jahwareer,


Arinkaan Soo Shaacbaxaya ee lagu Kala Qaadayo Guddomiyha Gobalka Banaadir iyo Duqa Muqdisho ayaa La Doonaya in Lagu Xaliyo Beel Kamid ah Beelaha Ku Kacsan Dowlada Soomaliya Sidoo Kale Waxa ay Doonayaan in ay iska Hor keenaan Labada Beelood,

Sidoo  Kale Madaxweeyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheeyre ayaa Lagu arkaa Arimo Ku adan Dhanka Digtatoorka ah iyo in ay Goaano Xilka uga Qaadaan Cidii ay u arkaan in aysan Ku Fakir aheeyn ayagoo Hawada u soo Marsiiyo in Xilkii  laga Qaaday, Taasina Waxa ay Abuuraysaa in ay Bulshada Somaliyeed Kala Shakiyaan , Waxa ay Sida Badan Xilalka ay u Magacabaan Dad  ay ayaga Doonayaan Kadibna Waxa ay Dul Dhigaan Qof Warbixintiisa u soo Gudbiso,

Dhanka kale Waxaa Dhawaan Xilkii Laga Qaaday  Xeer-ilaaliye ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Axmed Cali Abuukar, Asigoo u Muuqday in uu Xilkiisa Ku Waayay   Maxaa uga Hor imaanaysaa Goaankeena Guracan, Hase ahaatee   Waxaa Xilka Looga Qaaday Si aan Waafaqsaneen Sharciga Dalka iyo Kan Nidaamka Somaliyeed Oo ah  Kii ay ku Hishiiyeen ee ahaa 5 Beel in Wax Loo qeeybsado,

Ugu Danbeeyntii Wax Garadka Beesha Mudulood ayaa u arka Habdhaqanka Cusub ee ay la soo Baxeen Madaxweeyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheeyre in uu Yahay   Mid ay Kula Dagaalamayaan Xubnaha uga Jira Dowlada  Beesha Mudulood,iyo Xilalka ay Ka hayaan Dowlada , Taasina Waxaa Cadeeyn kara in Xitaa aysan u Ogalaan in ay Kamid Naqdaan Agaasimayaal Dowladeed, Xitaa ayagoo Ka Qadaya Kuwii Horay u Hayay Xilalka Arinkaasi Waxaa Ka Mas,uul ah Xukuumada Madaxweeyne Farmaajo iyo R/wasaare Kheeyre,   Waxaa kale Oo Jiro in Dhawaan  Xilka Laga Qaadi Rabo Wasiro Ka Tirsan Beesha Mudulood,Waana Arin u Baahan in lagala Xisaabtamo,

 


 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*