Maxaa Kala Heeysta Tababare Mourinho iyo Tababare Conte ….


Tababaraha Chelsea Antonio Conte Ayaa   sheegay in Macalin Jose Mourinho u muuqday mid maskaxdiisa lumiyay murankii Ka Dhaxeeyay labadooda , qaabka ay u dabaal dagaan labadooda marka ay taagan yihiin diilinta farsamada.


Tababaraha Manchester United waxa uu saxaafadda u sheegay in uu iska joojiyay mar hore dabaal dagyadii waalida ahaa uu hore u sameyn jiray maadama uusan rabin in uu noqdo sida ‘Doqomada Taagan diilinta farsamada’, dabcan oo ula jeeday Conte iyo Jurgen Klopp.

Mr,Conte wuu u soo jawaabay macalin Mourinho waxa uuna yiri: “Waxaan qabaa in uu dib u milicsado sida uu ahaa waagii hore, malaha waxa uu ka hadlayey sida uu ahaan jiray waagii hore.


mararka qaar qof ayaa ilaawa waxa uu sameyn jiray waa hore ama dhaqankoodii hore qaar waxaan qabaa in ay jirto, ma aqaan in ay la mid tahay, xanuunka maskaxda wax u dhima ee Senile dementia ayuu ku soo gagabeeyay macalin Conte

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*