Naadiga Barcelona Oo Sheegtay Dhameestirka inta badan Heshiiska Philippe Coutinho


Heshiiska Philippe Coutinho ugu wareegayo Naadiga a Barcelona ayaa haatan inta badan la dhammeystiray, iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil uu macsalaameeyey asxaabiisa Naadiga  Liverpool.


Maqaalka Marca ee ka soo Baxa dalka Spain ayaa sheegtay in Barcelona ay dhameestirtay heshiiska laacibkaan boqolkiiba 80 ,


Heshiiska Philippe Coutinho ayaa la filayaa in Barcelona ku dhammeystiri doonto adduun lacageed oo dhan 142 milyan oo ginni oo u dhiganta 160 milyan oo euros, taasoo xiddigaan ka dhigi doonta midkii ugu qaalisanaa taariikhda kooxda Barcelona.

Wararka lahelaayo ayaa sheegaya in Philippe Coutinho uu caawa u duuli doono dalka Spain, wuxuuna berri fiirsan doonaa kulanka ay Barcelona laciyaareyso Naadiga Levante.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*