Maxaa Kala Socotaa Waqtigii uu Bilowday Xiriirka Ka Dhexeeya Brazil iyo Naadiga Barcelona,?


Philippe Coutinho ayaa ugu dambeyntii ku biiray kooxdii riyadiisa Barcelona, wuxuuna ku laabtay magaalada Barcelona taasoo uu si wanaagsan u garanayo maadaama uu waqti kusoo qaatay kooxda Espanyol markii ay kasoo amaahatay Inter Milan.

Si kastaba ha ahaatee, Philippe Coutinho wuxuu noqday laacibkii 30aad ee u dhashay dalka Brazil kaasoo xirta maaliyadda kooxda ka dhisan Camp Nou Stadium – iyadoo La Azulgrana ay xiddigaan kula soo wareegtay adduun lacageed dhan 160 milyan oo yuuro.


Barcelona waxay dhisan tahay 120 sanno, waxaana kooxdaan usoo ciyaaray xiddigo magac leh oo kasoo jeeda dalka Brazill, xaqiiqada ayaana ah in ciyaartoyda u dhashay dalka Spain ay taariikh ahaan kaga badan yihiin Brazil oo ah dalka labaad ee ciyaartoyda ugu badan ay taariikhda u ciyaareen Catalans.


Da Silva ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu horreeyey ee Brazil ah ee xirta shaarka kooxda Barcelona sannadkii 1948dii, laakiin keliya seddax kulan ayuu kooxdaan u ciyaaray.

Dani Alves ayaa ah ciyaaryahanka u dhashay dalka Brazil ee kulamada ugu badan u saftay kooxda Barcelona, halka Neymar JR uu ka mid yahay ciyaartoydii ugu saameynta badnaa dalka Brazil ee usoo ciyaartay Barca.

1990kii, xiddigaha u dhashay Brazil ayaa ahaa tubta guusha ee Barcelona, waxaana waqtigaas kooxdaan usoo ciyaaray Sonny Anderson, Romario, Ronaldo iyo Rivaldo – halka Ronaldinho lagu tilmaamo karo Brazil-kii ugu fiicnaa taariikhda Barcelona isagoo kooxdaan ak caawiyey inay guulo taariikhi ah ku tallaabsato.

Sannadkii 2003dii ayuu kaga soo biiray kooxda PSG ee dalka France, wuxuuna Ronaldinho ka caawiyey Barcelona hanashada koobka UEFA Champions League sannadkii 2006dii.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*