Baarayaasha Cafimaadka Naadiga Barcelona Oo Dhaawac Ka helay ciyaaryahan Philippe Coutinho


Saxiixa labaad ee ugu qaalisan dunida Philippe Coutinho ayaa tijaabada caafimaad ku maray SCIAS Hospital de Barcelona, balse natiijadii baaritaanka lamarsiiyay waxa laga helay dhaawac muruqa ah oo u diidaya inuu kasoo muuqdo safka kooxda ka dhisan gobolka Catalonia.


Philippe Coutinho wuxuu ugu yimid kooxda Barcelona qiimo dhan 142 Malyan oo Pound oo u dhiganta 160 Malyan oo Euro, taasoo ka dhigtay inuu kaliya ka sareeyo Neymar Junior oo August 2017 isaga tagay Blaugrana.

Si kastaba ha ahaatee warbixinta caafimaad ay soo saartay Barcelona waxey sheegtay inuu xidiga reer Brazil garoomada ka maqnaan doono muddo 20-maalmood ah.

Barcelona waxey xaqiijisay inuu xidigeeda garoomada ka maqnaan doono muddo 3-isbuuc ah isagoo seegi doona kulamada Celta Vigo, Real Sociedad, Real Betis and Alaves.

Dhanka kale Philippe Coutinho wuxuu kulankiisa ugu horeeya ee Barcelona sida lafilayo kulanka Catalan Derby ee ay Barcelona la yeelan doonto kooxdiisii hore Espanyol oo uu amaahda ugu soo ciyaaray


 

 

 

 

 

 

W/Qoray Mohamed Xasan 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*