Dagaal Dhex Maray Ciidama Kawada Tirsan Dowlada ee Ku Sugan Degmada Mahaday


Wararka Laga helaayo degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in iskahorimaad hubeysan oo qasaare dhaliyay uu ku dhex maray ciidamo ka wadatirsan Milatariga Soomaaliya degmada Mahaday ee gobolka Sh/dhexe.


Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in saddex askari ay ku dhinteen iska horimaadkan mid kalana uu ku dhaawacmay.


Iskahorimaadkan ayaa waxaa uu ka dhashay sida la sheegay muran ku saabsan lacago laga qaadayay ganacsatada qaadka keenta, halka warar kale ay sheegayaan in iska horimaadkan uu ka dhashay muran ku saabsan lacago la doonayay in laga qaado gaadiidka ka howlgala degmada Mahaday iyo deegaanada kale ee ku dhow dhow.

Dhinaca kale Dadka Degaanka ayaa ka cabanaya Isbaarooyinka ay dhiganayaan Rag Ka Tirsan Ciidamada Dowlada, Waxaana Mararka qaar dhacda in ay dhibaatooyin ka soo  Gaaraan shacabka  Mana Jirto Madaxda Dowlada somliya in ay wax ka qabtaan Arrimaha Ciidamada Mar waliba waxa ay ku qudbeeyaan” waan siinaa Mushaarka balse Ma muuqato cid Xakameeynayso Ciidamada dowlada.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*