Dowlada Soomaaliya Oo Sheegtay in Ciidamo Dheeraad ah Geysay G/Bay.


Gudoomiye ku xigeenka Degmada Buur hakaba ee Gobolka Bay Cabdi buule ibraahim oo sidoo kale ka mid ah saraakiisha hogaamineysa ciidamo fariisimo kasameystay Degmada Buur hakaba, ayaa  ka warbixiyay ujeedka ciidamadaas fariisinka ka sameystay Degmadaasi.


Guddomiye Cabdi buule ibraahim ayaa sheegay in ciidamadaan oo ay tiradooda ay gaareyso 600 oo askari ee fariisimaha kasmeystay degmada Buur hakaba ee Gobolka Bay ayna wadaan qorshe balaaran oo ay ku doonayaan in ay isugu furaan wadooyinka xariiriya muqdisho iyo Baydho.


Gudoomiye ku xigeenka Degmada Buur hakaba ee Gobolka Bay Cabdi buule ibraahim ayaa sheegay in hada uu bilowday howgalkaas ay ku furayaan wadadaasi, wuxuuna sheegay in hada ay ku guuleysteen in ay isu furaan wada xariirisa Magaalooyinka Buur iyo Baydhabo.

Ugu danbeeynti Wadada xariirisa muqdisho iyo baydhabo ayaa ah wado ay adagtahay isu socodkeeda ayadoona deegaanada qaar ee wadadaas ay marto ay weeraro ay kageystaan Al-shabaab, meelaha qaarna waxaa yaala jidgooyooyin u yaala ciidamo ka tirsan dowlada Waxaa hada socda qorshe dowlada ay ku fureyso wadadaasi.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*