Dowladda Somaliya Oo loogu Deeqay Lix gaari Oo Nuuca aan Xabada Karin


Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta  ka guddoomay 6 gaari oo  nooca aan Xabadda Karin ah.

Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa gaadiidkan ugu deeqday dowlada Somaliya waxaana munaasabad kooban oo uu Wasiirku ka guddoomayay Gaadiidkaasi lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga, taasoo ay goob joog ka ahaayeen wafdi ka socda dowlada Mareykanka.

Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegay in gaadiidkan ugu tala galeen in lagu kaabo Wasaaradda difaaca Soomaaliya, si ay ugu adeegaan howlaha qaranka

Dhowaan ayay aheyd markii dowlada Maraykanku hakisay sahaydii ay siin jirtey ciidamada Milatariga Somalia kadib markii ay soo baxeen arrimo la xiriira wax isdaba marin.



Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*