Madaxweeynihii Hore Somaliya Shiikh Shariif Oo Ka Hadlay Colaada Somaliland iyo Puntland


 

Madaxweeynihii Hore Somaliya Shiikh Shariif Shiikh axmed ayaa Kaga Hadlay Fariin uu Soo Dhigay Boggisa Facebook  Dagaalada ka Soconaya Deganaada somaliland iyo Puntland ,Waxaana uu ku bilaabay sida tan,

BISMILLAAH

Waxaan aad uga xumahey in aan maqlo dhiilo colaadeed oo hor leh oo u dhaxeysa ciidamada Somaliland iyo Puntland, sidaa darteed waxaan baaq nabadeed u dirayaa walaalaha ku dagaalamaya qaybo kamid ah Gobolka Sool.

Madaxda labada dhinac waxaan ugu baaqayaa inay mas’uuliyad muujiyaan si deg deg ahna xabad joojin bilaa shuruud ah ay u qaataan, waxa dhimanaya, dhaawacmaya ama barakacaya waa dadkeenna, wax kasta oo dhexdeenna ah waxaa muhiim ah in wadahadal iyo isku tanaasul aan ku dhamaysanno.


Waxaan kale oo u jeedinayaa madaxda labada dhinac inay joojiyaan hadalada colaad hurinta ah ee ay Warbaahinta ka jeedinayaan, reer Sool uma baahna dagaal waxay u baahan yihiin Nabad iyo Horumar.


WABILLAHI TOWFIIQ

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*