Naadiga AC Milan oo heshiis lagashay shirkad laga leeyahay Asia


Naadiga AC Milan ayaa shaaca ka qaaday inay heshiis la gaareen shirkadda Vwin oo ah shirkad isboorti oo oo Asia laga leeyahay

Masuul u hadlay Naadiga Ac Milan “ayaa sheegay ineey ku faraxsan yihiin heshiiska shirkada Vwin, madaxa suuq geeynta Naadiga Milan Lorenzo Giorgetti, ayaa yiri waan ku faraxsanahay isagoo sii hadalaya wuxuu yiri, Vwin waa dariskeena Asia,heshiiskuna wuxuu ka dhigan yahay talaabo horey loo qaaday,

dhinaca horumarinta istaraatiijiyada ganacsiga ee suuqa muhiimka ah.” Shirkad Shiineys ah ayaa waxay ka iibsadeen Naadiga Ac Milan milkiilihii hore ee Silvio Berlusconi oo ay uga iibsadeen qiimo dhan 740 milyan bishii Abriil ee sanadkii hore

Milkiilaha lagu magacaabo Li Yonghong ayaa markaas maalgeliyey Xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ee uu galshay 230 milyan oo euro ayuu qarash gareeyay

laakiin kooxdu waxa ay ku guuldareysatay inay soo saarto natiijooyinkii laga filaayay garoonka dhexdiisa ahaa, kooxda Milan ayaa hoos ugu dhacday kaalinta 11aad ee horyaalka Talyaaniga, 23 dhibcood waxey ka hooseyaan kooxda Napoli.


 

 


 

W/Q  Mohamed Xasan

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*