SAWIRO:Wasiirka Maaliyada Somaliya Oo Doha Kula Kulmay Dhigiisa ee Dalka Qadar


Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr: C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Doha ee dalka qadar , ayaa Sheegay in ay  la  kulmeeyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Cali Shariif Al-Emadi, iyaggoo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac Somaliya iyo Qadar.


Wasiirka Maaliyada Somaliya, ayaa sheegay in dhigiisa uu kala hadlay qodobo ay kamid yihiin Xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Qadar ka dhaxeeya, isaggoo xusay in Dalka Qatar uu uga qeyb galay Shirka Wasiiradda Dalalka Islaamka oo magaaladda Doha lagu qabtay.

“Maanta waxaan la kulmey dhigeyga Wasiirka Maaliyadda Dalka Qadar Mudane Ali Shareef Al–Emadi oo aan ka Wada hadalney xiriirka walaalnimo ee Soomaaliya iyo Qatar dhinaca kale waxaan ka Wada qeyb gelnay shirka wasiirada Islaamka ee lagu qabtey Doha” ayuu yiri Wasiir Beyle.sidoo kale  Waxa uu Yiri Waxaan isku afgaranay sidii ay noogu Taageeri lahaayeen Dhinaca Horumarka iyo Dib u dhiska somaliya.

 


 

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*