Askar Xanaaqsan Oo Jaray Waddooyinka Magalada Bouake ee Dalka Ivory Coast


Dhawaqa rasaas iyo hub culus ayaa  laga maqlay magaalada labaad ee ugu weyn waddanka Ivory Coast ee Bouake.

Iskudhacyada ayaa ka dilaacay saldhigyo milateri oo magaaladaas ka ag dhaw, waxaana dagaalku uu dhexmarayaa kooxo ka wada tirsan milateriga oo uu xifiiltan ka dhaxeeyo.

Magaalada Bouake oo ku taalla bartamaha waddanka Ivory Coast ayaa udub dhexaad u aheyd khalaaaso siyaasadeed   sanadkii la soo dhaafay  Oo ay ciidammada kaga cabanayeen arrimo ay ka mid yihiin mushaarka iyo dalacsiinta.


Is-rasaaseynta ka dhacday magaalada Bouake ayaa socotay dhowr saacadood.

Dadka deegaanka iyo weriyayaashu waxa ay ku soo waramayaan in rag ku labisan dareeska booliiska ay rasaas cirka u ridayeen iyaga oo xiray waddooyinka.

Sodoo kale Waxaa jiro warar sheegaya in korantada laga jaray deegaanada qaar magaaladaasi.

Askarta careysan ayaa u muuqda mucaarad hore oo haatan kusoo biiray askarta balse aanan ku faraxsaneyn mushaharkooda.

Ciidamaddan ayaa fadhigooda ugu weyn waxa ay ku leeyihiin magaalo xeebeedka Bouake ee bartamaha waddanka Ivory Coast.

Waxa ayna aad uga careysan yihiin joogitaanka halkaasi unugya ka mid ah milatriga oo lagu magacaabo CCDO.

Waxa uu sheegay sarkaal ka mid ah ciidamaddan in haatan si muuqata loo weeraray saldhigyadooda ugu weyn Bouke.


Toddobaadkii lasoo dhaafay isku dhacyadan ayaa waxaa ku dhitnay saajin ka mid ah ciidamadaasi

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*