Madaxweyne Gaas Oo Ka Hadlay Xiisada u Dhaxeeysa Somaliland Iyo Puntland


Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ka hadlay xiisada u dhaxeysa Maamulka Puntland iyo Somaliland,kadib markii Ciidamo ka kala tirsan labada maamul ay ku dagaalamaneen degaanka Tukaraq.


Madaxweeyne Gaas ayaa sheegay 8-dii bishan Ciidamo laga soo abaabulay magaalada Hargeysa in ay duulaan ku soo qaadeen degaanka Tukaraq oo ka tirsan Gobolka Sool, wuxuuna sheegay dagaalka inuu ku soo aaday xilli booqasho uu Puntland ku joogo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C.llaahi Farmaajo.

Sisoo kale Wuxuu sheegay Madaxweyne Gaas  in Puntland iyo shacabkeeda ay ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wuxuuna shacabka ku sugan gudaha iyo dibadda ee Puntland ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay duulaanka Somaliland inuu garab iyo gaashaan u yahay Argagixisada, isaga oo sheegay in Puntland ay culeyska saartay hormarka iyo dib u dhiska dalka.


Ugu dambeyntii madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas ayaa Dowladda Federaalka, Beesha Caalamka, Ummadda Soomaaliyeed ogeysiiyay in maamulka Somaliland uu masuul ka noqon doono cawaaqib xumada ka dhalata xiisada Tukaraq.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*