Mamulka Somaliland Oo Yiri“Wixii Ka Dhaca Tukaraq, C/Wali Gaas ayaa Mas’uul ka ah”.


Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ka jawaabay eedeyn uga timid dhinaca Puntland oo ahayd in Maamulka Somaliland ay taageerayaan Al-shabaabka dagaalka kula jira Puntland.


Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in Tukaraq ay ka mid tahay degaannada Somaliland islamarkaana Ciidamada ay ka fushadeen dan ay halkaas u tageen.


Waxaa uu xusay in xudduuda Somaliland iyo Puntland ay 7km u jirto Garowe islamarkaana aysan Somaliland ilaa hadda xadgudub geysan.

Guddomiye Baashe ayaa ka digay in haddii colaadda Tukaraq sii korodho in wax laga weydiinayo Madaxweynaha Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas.

Waxaa uu xusay in Somaliland ku mashquulsantahay dhimaha iyo horumarinta degaannadeeda islamarkaana aysan diyaar u ahayn dagaal ay la gasho Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xalay Somaliland ku eedeeyay in dagaalka Tukaraq ay ku garabsiinayaan Al-shabaab,taas ooo uu ku sheegay in ay dhibaato ku keeni doonto amniga labada dhinac.

Hase ahaatee waaa Nasiib daro ah in waqtigaan uu dhaco Dagaal u dhexeeya dad somaliyeed ,waxaana wanaagsan in wada hadal lagu dhameeyo waxii khilaaf ah ee Jira,

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*