Mashruuca Biyo Xireenka Xawaadley Oo Dib Loo Howl-gelinayo


Mas’uuliyiin uu horkacayo maamulka gobolka shabeellada dhexe ayaa furay biyihii in muddo ah ku xayirnaa halkaasi mashruuca biyo keydinta Xawaadley.

Qaar ka mida beeraleyda ku dhaqan deegaannada gobolka shabeellada dhexe ayaa ka hadlay faa’idooyinka uu leeyahy in mashruuca dib loo furo


Qaar ka mid ah dadkaasi  ayaa sheegay in ay arritani tahaysidii beerihii gobolka shabeellada dhexe keydkii anfici lahaa oo wax looga qaban lahaa, waxaana lagaaray guul wanaagsan.


Beeraleyda dhammaanteed waxa ay ka qeyb qaateen mashruuca dhameystirkiisa, biyihii ku xirnaa muddo 28 sano waxaa  u soo gurmaday  iskaashitooyinka ka tirsan gobollada shabeellada hoose iyo sh/dhexe.

Mashruucaan biyo keydinta ah ayaa biyihiisu waxaa uu kaafin karaa sida la sheegay beeraleyda ku dhaqan labada shabelle  mudo labo bilood ah.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*