Naadiga Bayern Munich Oo beenisay in Laacibkooda uu ku biirayo Naadiga Chelsea


Kooxda Bayern Munich ee ka dhisan wadanka jarmalka ayaa beenisay in Thiago Alcantara uu ku laabanaayo kooxdiisii hore ee Barcelona oo rabta saxiixa da,yarkoodii hore.


Agaasimaha ciyaaraha kooxda Bayern Munich ee Hasan Salihamidzic ayaa sheegay in Thiago Alcantara uu goor dhaw u saxiixay kooxda heshiis cusub, wuxuuna intaa ku daray inuu dhimacooda ka yahay hogaamiye.

Wuxuu meesha ka saaray in Thiago Alcantara uu ku biirayo kooxdiisii hore ee Barcelona.

“Sanadkii hore ayuu saxiixay heshiis cusub, kaas ku eg ilaa 2021, wuxuu noo yahay hogaamiye, kooxduna kuma mashquulsana bixitaankiisa maxaa yeelaya warkaasi maba ahan war sax ah” ayuu u sheegay Bild.

Hasan Salihamidzic oo ka hadlay xaalada caafimaad ee Thiago Alcantara ayaa yiri:


“Waa uu caafimaad qabaa, waxaan filayaa in wax walba ay dhamaystirmi doonaan, sida aan isku afgaranay dhaqaatiirta, Thiago wuxuu sanadkaan naga caawin doonaa wax yaabaha kooxdu tiigsaneyso ayuu hadalkiisa kusoo gagabeeyay Agaasimaha ciyaaraha kooxda Bayern Munich.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*