Xidigii hore ee Paris Saint-Germain Oo Cunsuriyad Kala Kulmay Taageerayaasha Kooxda ….


Wasiirka Isboortiga ee wadanka Faransiiska iyo hay’adda dhaqanka iyo tacliinta ugu qaybsan QM ee UNESCO ayaa cambaareeyay cunsuriyeentii loogeestay xidiga khad dhexe ee Juventus Blaise Matuidi.

Xidigii hore ee Paris Saint-Germain ayaa waxaa Sabtidii cunsuriyad kula kacay taageerayaasha Kooxda Cagliari kulankii muranka dhaliyay ee ay Bianconeri 1-0 ku badisay.


Waloow ay kooxda Cagliari raalli gelin bixiyeen, taasoo uu ka mahadceliyay Matuidi, balse taasi ma hakinin inay arrintani soo jiidato mucaaradad heer caalami ah.

“Cunsuriyaddu meel kuma laha ciyaaraha, garoonka gudihiisa iyo debaddiisaba,” ayaa lagu yiri shir jaraa’id oo wada jir ah oo ay wada soo saareen UNESCO oo uu metelayay Audrey Azoulay iyo wasiirka ciyaaraha Faransiiska Laura Flessel.


“Cod dheer baannu ku cambaaraynaynaa
Cunsuriyeenta loo geestay ciyaaryahan Blaise Matuidi, oo u safta kooxda Juventus iyo xulka qaranka Faransiiska.” ayay kusoo gagabeeyeen hadalkooda.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*