Dowlada Itoobiya Oo Sheegtay in ay Gacanta Ku Dhigtay Hub Sharci Daro ah


Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay  Hub ah oo sharci darro lagu gelinayay dalkaas,islamarkaana ay ku tuhmeyso in la damacsanaa in wax lagu yeelo amniga dalka Itoobiya.

Wasiirka difaaca Dalka Itoobiya  Siraj Fegesa,ayaa sheegay in Ciidamada amaanka dalka Itoobiya ay gacanta ku dhigeen 270 AK , 200, Bastooladood iyo  66,000 oo Rasaas ah.


Dowladda waxaa ay sheegtay in Hubkaas loo waday in lagu sii huriyo colaadda Oromada iyo Amxaarada kala dhaxeysa Dowladda dhexe ee Federaalka ah.


Sidoo kale Dowlada Itoobiya waxaa dalkaas ku rogtay 10 bilood oo xaalad deg deg ah taas oo billaabatay bishii August ee 2017kii,waxaana ay ku sheegtay in ay ku joojineysay dibadbaxyada ka dhanka ah dowladda Federaalka ah.

Dowladdu ma sheegin in hubkan oo qarsoodi ahaa ay dad u soo qabatay iyo in kale sidoo kale ma aysan sheegin goobta lagu qabtay Hubkaas.

Dowladda Itoobiya marka laga reebo qowmiyadaha dibadbaxyada dhigaya waxaa ay dagaal kula jirtaa Ururro asal aahan salka ku haya Qowmiyayadaha hayeeshee leh ajende Siyaasadeed waxaana ugu caansan OLF,OLNF iyo G7

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*