Galmudug Oo isu Diyaarineysa Soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo iyo Bananbaxyo Lagu Diidan Yahay ay Ka Socdaan,,,


Maamulka Galmudug ayaa  isu diyaarinaya soo dhaweynta Madaxwyenaha Soomaaliya ee booqashada hadda ku jooga degaannada Maamulka Puntland.


Madaxweyne Farmaajo iyo Wafddiga uu hoggaaminayo ayaa saaka tagay degaanka Carmo ee Gobolka Bari sidoo kale waxaa ay maanta ku Gaareen Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari,halkaas oo uu uga sii gudbi Doono Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Gaalkacyo waxaa ay ka billaabaneysaa waqooyiga waxaana ku xiga Koofurta Gaalkacyo oo laga dheehanayo soo dhaweyntiisa.

Boorarka ay ku sawiranyihiin Sawirrada Madaxweynaha, astaamaha qaranka Soomaaliya iyo Calanka Galmudug ayaa lagu arkayaa magaalooyinka qaar sida Gaalkacyo qeybteeda Koofureed.


Sidoo kale darbiyada ayaa lagu xardhayaa Calanka Somaaliya iyo Calanka Galmudug iyada oo safarka Madaxweynaha ee Galmudug uu ku tagayo Magaalooyinka Gaalkacyo,Dhuusamareeb,Cadaado,Cabudwaaq iyo Guriceel.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Axaddii hore ka baxay Muqdisho waxaana uu safarkiisii ka billaabay Magaalada Garoowe,halkaas oo uu isla maalinkiiba xarigga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Magaaladaasi oo dib loo dhisay. 

 

Dhinaca kale Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ka dhacay dibad bax looga soo horjedo booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxana dadka dibad baxa dhigayey ay waten borar lagu soo qoray doni meyno dadkii dilay dhalinyaradenii iyo eraya kale.

Dadka dibad baxa sameyay ayaa ka careysan werarkii lagu dilay dhalinyaradii ilaalada u aheyd Siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakur Warsame oo daba yaaqadii sanadkii tagay ka dhacaday Xarunta Xisbiga Daljir.

Dibad baxa ayaa ku soo aadayo iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo la filayo inu booqasho ku maro degaano ka tirsan Gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*