Kooxda Barcelona oo xaqiijisay lasoo wareegida Yerry Mina


Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay iney dhigooda Palmeiras kala heshiiyeen saxiixa xidiga da’da yar ee Yerry Mina kaas oo noqday saxiixii labaad ee ay sameeyaan Blaugrana bishaan January.


Xidigaan reer Colombia wuxuu ku imaaday garoonka Camp Nou aduun dhan 11.8 Malyan oo Euro iyadoo heshiiskiisa lagu jabin doono ama lagu xiri doono aduun dhan 100 Malyan oo Euro.


Sida lagu daabacay website-ka rasmiga ah ee Barcelona Yerry Mina wuxuu qalinka ku duugi doonaa heshiis dhan shan sano iyo bar taasoo ka dhigan inuu ka dhamaan doono June 2023.

Macluumaad Ku Saabsan?

Yerry Mina wuxuu dhashay 23-kii September 1994 – kuna dhashay Guachené, Caucas, Colòmbia – wuxuu Blaugrana u yimid inuu xoojiyo hanaanka daafaca ee kooxda

 

W/Q  Mohamed Hasan

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*