Madaxda Naadiga Arsenal Oo isku Raacay ineey Macalinka Cusub kooxdoodu ka dhigaan Carlo Ancelotti sanadka 2019


Sida laga soo xigtay wargeyska Mirror, ee kasoo ingiriidka Macalin Carlo Ancelotti iyo maamulka kooxda Arsenal ayaa ku heshiyay qandaraas uu ka qaadan doono kooxda Arsenal oo dhan
8.8 milyan oo ginni xilli ciyaareedkii si uu tababare Arsene Wenger uga bedelo hogaaminta kooxda Arsenal.

Wargeyska ayaa maalmihii la soo dhaafay lasocday in madaxda Arsenal ay ugu dambeyn soo afjarayaan fekerka ah in Wenger uu waqti dheer kusii qaato kooxda islamarkaana ay rabaan bedelkiisa ka dhigaan Carlo Ancelotti.


Macalin Ancelotti ayaa ku soo baxay liiska dhowr macalin oo horaantii Isbuucaan, ay madaxda Kooxda Arsenal raadineysay iyagoo maamulka Arsenal ay isku raaceen macalinka reer Talyaan uu u qalmo bedelka saxda ee Arsene Wenger oo mudo dheer maamulayay kooxda Arsenal.

Sida uu soo warinaayo wargeyska Mirror warar ayaa sheegaya in macalin Ancelotti uu ogolaaday heshiis afar sanno ah oo uu ku qaadanayo sanadkii 8.8 milyan oo ginni xilli ciyaareedkii si uu u noqdo tababaraha cusub ee Arsenal.

Macalin Wenger wali waxaa ugu harsan qandaraaskiisa 18 bilood.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxda Arsenal ay diyaar u yihiin inay Wenger weydiistaan ​​inuu xagaaga dambe isaga tago kooxda.

madaama aan shaki ku jirin in madaxda kooxda Arsenal ay heshiis lagaareen Macalin Ancleotti si uu kooxda maamulkeeda ulawareego sanadka 2019.


 

W/Qoray Mohamed Hasan

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*