Madaxweyne farmaajo Oo Maanta lagu Wado in uu booqasho ku tago Magaalada Boosaaso


Madaxweynaha Dowlada  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku guda jira socdaalka nabadda ee uu ku marayo qeybo ka mid ah gobollada dalka, oo xalay ku hoyday magaalada Qardho ee Gobolka Barri Waxaana  maanta Lagu Wadaa in uu gaari doonaa Magaalo Xeebeedka Boosaaso.


Qaban Qaabada  lagu soo dhaweynayo Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan laga dareemaya magaalada Boosaaso,iyadoona Amaanka Magaalada Aad loo adkeeyay,iyadoona wadooyinka Waa weyn ee Magaalada boosaaso lagu arkayo ciidamo fara badan oo xaqiijinayo Amaanka Magaaladaasi.


Sidoo kale Magaalada Boosaaso ayaa waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ku aadan soo dhaweynta madaxweynaha somaliya, dad badan ayaa loo qorsheeyay soo dhaweynta wafdiga uu hor kacaya madaxweynha, wuxuuna markuu gaaro boosaaso madaxweynaha la kulmi doono waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*