Senator Faroole Oo Ka Hadlay Xiisadaha Ka Jira Deegaanka Tukaraq in Xal lagu Dhameeyo


Senator C/raxmaan Faroole ayaa ka hadlay dagaalladii ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalladaasi.


Senatar Faroole ayaa ugu baaqay Labada dhinac ee dagaallamaya iney nabadda qaataan oo ay u turaan shacabka ku dhaqan deegaannada la isku hayo.

“Waxaan jeclahay inaan wax ka iraahdo xiisadda ka aloolsan deegaanka Tukaraq oo ahayd kastamkii iyo xaruntii Sool intii Laascaanood la qabsaday, waxaan cambareynayaa duulanka bishii 8-dii ay ciidamada Somaliland ku qabsadeen Tukaraq, waxaan ka xumahay dagaalladaasi..waxaan ku baaqayaa Nabad, shacabka Puntland iyo Somaliland raali kama ahan dagaalladan 

Sidoo kale Senator Faroole “ Soomaaliya Waxa Ay Nabad Ka Jirtaa Oo Kaliya Puntland Iyo Somaliland”” ayuu yiri Faroole .

Faroole Waxa uu soo hadal qaaday hadal uu madaxweynaha maamulka Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas  uu jeediyay kaas oo uu kaga hadlayay Dagaalka ka qarxay Tukaraq waxa uuna Dr Gaas Tilmaamay In Somaliland ay taageero siinayso Daacishta ku dhuumaaleesanaysa gobolada Puntland Faroole ayaana Hadalkaas ku tilmaamay Mid xanaf leh oo colaad ka dhex abuuri kara Puntland Iyo Somaliland.

 

Dhanka kale, C/raxmaan Faroole ayaa si gaar ah ugu baaqay Somaliland ineysan hadda deegaanno nabdoon aysan colaad ka hurin ee haddii ay wax qabanayaan ay ka qeybqaataan dib u heshiisiinta beelihii ku dagaallamay Sool.


Ciidamada Somaliland ayaa 8-dii bishan waxay dagaal ku qabsadeen deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, iyadoo weli ay jirto xiisad u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*