Weerar ka dhacay Duleedka Muqdisho iyo Warbixino kasoo baxaya


Wararka laga Helaayo Duleedka Ceelsha Biyaha, ayaa sheegaya in Kooxo hubeesan ay xalay weerar ku qaaday gaari yar oo nuuca raaxada ah xili uu marayay deegaanka Ceelasha Biyaha, waxaana kooxdii weerarka geesatay la sheegay in gaarigaasi horey u wateen.

Goob joogayaal ayaa ku waramay rag biskoolado ku hubeesan ay rasaas ku fureen nin watay gaari yar oo nuuca raaxada ah, waxaana la sheegay in gaariga horey u qaateen iyada uu ku jiro ninkii watay oo dhaawac ah.


Ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ayaa gaaray halka uu weerarku ka dhacay, waxa ayna ciidamada wali baadi goob ugu jiraan kooxdii weeraka geestay iyo gaariga ay qaateen.


Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ku aadan weerarkan oo kasoo baxay laamaha amaanka, waxaan sidoo kale la ogeyn waxa uu ahaa ninka la weeraray ay kooxda hubeesan horey u qaateen dhaawiciisa.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*