Xildhibaan Prof: Dalxa Oo Ku Baaqay in La Joojiyo Colaada Ka Jirta Gobalka Sool


Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha barlamaanka soomaaliya  ayaa maamulada Puntlan iyo Somaliland ugu baaqay  in ay joojiyaan abaabulka dagaal ee ka socda Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaas oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan maamuladaasi.

Labada dhinac ayaa midba mid kale ku eedeeyay in uu duulaan soo qaaday, ayadoona dagaalkaas isla markaana mas`uuliyadeedana uu qadayo.


Xildhibaanka ayaa beesha Caalamka ugu baaqay inay Qeyb ka qaataan Xasilinta Colaada ka Soo Cusboonaatay Degaanka Tukaraq ee gobalka Sool.


Degaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayaa dhawaan Waxaa ku dagaalamay Ciidamo kala Taabacsan Maamulada Puntland iyo Somaliland,inkastoo ay Ciidamo ka tirsan Somaliland ay Weerar kula wareegeen Degaankaasi Waxaana Socda Dadaalo lagu doonayo in lagu qaboojiyo Xiisadasi,

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*