Gerard pique oo aqbalay inuu heshiis cusub u saxiixo Kooxdiisa Barcelona


Difaaca Kooxda Barcelona Gerard Pique ayaa ogolaaday inuu saxiixo heshiis cusub oo kusii joogi karo garoonka Camp Nou ilaa la dhamaadka 2022, waxaana lagu burburin karaa heshiiskiisa Qiimo dhan 440 Malyan oo Pound oo u dhiganta 500 Malyan oo Euro.


Maalmaha soo socda ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa heshiiska, waana daafaca lacagaha ugu badan lagu jabin karo heshiiskiisa, waxaana kusoo xiga Sergio Ramos oo ay kasoo wada jeedaan dalka Spain laguna burburin karo 181 Malyan oo Pound.

Gerard Pique waa xidig kasoo baxay akadeemiyada La Masia, wuxuuna ciyaaray 421 kulan, isagoo ku guuleystay 25-koob oo muhiim ah, balse wuxuu waqti xun kusoo qaatay Manchester United intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2008.

Ka hor inta uusan ogolaan heshiiska cusub waxaa qandaraaskiisa lagu burburin karay aduun dhan 4.4 Malyan oo Pound, balse cidna kuma barararugsaneyn inkastoo daafacaan uu yahay mid aan laga dhaadhicin karin inuu ka baxo Blaugrana.

Waqtiga uu joogay Kooxda Barcelona wuxuu kula guuleestay sadex jeer Champions League, lix jeer La Liga, shan jeer Copa del Rey, shan jeer Spanish Super Cup, sadex jeer FIFA Club World Cup, iyo sidoo kale laba jeer UEFA Super Cup.


Xilli ciyaareedkaan wuxuu Barcelona u saftay 25-kulan, sidoo kalana wuxuu xulka La Roja kula guuleystay koobkii Aduunka 2010 iyo Euro 2012.

Mohamed Hasan

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*