Shirkadda Sportiga ee Adidas oo Sii daabacday Maaliyada Alexis Sanchez ee Kooxda Manchester United


Taageerayaasha Kooxda Manchester United ayaa sugaya waqti walba in lagu dhawaaqo kaliya saxiixa Alexis Sanchez, waxaana la fahamsan yahay iney wax walba dhaw yahiin balse wax walba ayaa is badali kara daqiiqadaha ugu dambeeya.

Warbaahinta Ingiriiska waxey xalay ka dhawaajiyeen in Alexis Sanchez uu ogolaaday heshiis afar sano iyo bar ah oo uu ku joogayo garoonka Old Trafford, tiiyoo ay jirto inuu mudadaas qaadan doono aduun dhan 171 Malyan oo Pound wadar ahaan.


Tababare Arsene Wenger ayaa sidoo kale shirkiisa jaraa’id si dadban ugu xaqiijiyay in Alexis Sanchez uu ku dhaw yahay inuu ku biiro Red Devils sidoo kalana ay helaan Henrikh Mkhitaryan oo qeyb ka noqon kara sidoo kalana aan ka noqon karin.

Majalada Manchester Evening News ayaa sheegtay in baqaarka Adidas ee ku yaala wadada Oxfrod Street lagu daabacay maaliyadda Alexis Sanchez ee lambarka 7-aad taasoo qeyb ka noqon karta ku dhawaaqista xidigaan.

Kama dhigna in lagu dhawaaqay, balse waa waxyaabo farxad galinaya taageerayaasha Red Devils ee sugaya saxiixa cusub ee Alexis Sanchez.


 

Mohamed Hasan

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*