Hordhaca Kulanka Kooxaha Real Madrid Vs Deportivo ee Horyaalka LaLiga Spain


Saddexda weeraryahan ee ugu sareeysa Kooxda Real Madrid ayaa soo laabtay kulanka galabta ee horyaalka La Liga kooxdoodu laciyaareyso Deportivo .


seddexda ciyaaryahan ee BBC ayaa la nasasiiyay kulankii Kooxda Leganes, waxaana lagayaabaa ineey kusoo bilawdaan kulanka galabta Deportivo.

Kooxda Real Madrid ayaa badisay 13 kamid ah14kii kulan ee ugu dambeyay oo ay la ciyaareen Deportivo La Liga.

Real Madrid ayaa haatan sideed dhibcood u jirta kooxda kaalinta seddexaad ee Valencia.

Garoonka : 6:15 PM

Saacadda : Bernabeu

Maxaa ka Cusub ?

Captain Sergio Ramos ayaa dhaawac muruqa ah kasoo laabtay kulanka Real Madrid kadib markii waqti hore kusoo laabtay tababarka.


Karim Benzema ayaa soo laabtay, iyadoo weeraryahanka Faransiiska uu ka garab ciyaari doona Gareth Bale iyo Cristiano Ronaldo.

Dhamaan saddexda ciyaaryahan ayaa la nasasiiyay kulankii Copa del Rey ee Leganes.

Dhinca kale Deportivo ayaa shaki ka qabta xaalada Raul Albentosa iyo Sidnei, halka ciyaaryahanka khadka dhexe ee Fede Cartabia uu ku seegayo ciyaartaan dhaawac.

Deportivo ayaa kujirta kaalinta 18aad ee horyaalka La Liga, iyadoo 16 dhibcood kaliya leh, waxaana laga badiyay seddex kulan oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay.

Real Madrid ayaa badisay 13 ka mid ah 14kii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen Deportivo La Liga.

Deportivo ayaa badisay kaliya hal kulan oo ka mid ah 32kii kulan ee ugu dambeysay oo ay booqdeen Bernabeu horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa ku guuldareysatay inay badiso seddexdii kulan ee ugu dambeysay mana aysan badin tan iyo markii ay ku guuleysatay koobka kooxaha adduunka oo ay la ciyaareen Kooxda Gremio.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*