Naadiga Kubadda Cagta Manchester City Oo Heshiis lagaartay Difaacii Kooxda Atletico Bilboa ee Laporte.


Daafacii Kooxda Athletic Bilboa ayaa heshiis la gaaray kooxda Manchester City iyadoo Kooxda City ay diyaarineeyso inay bixiso qandaraaskiisa oo lagu burburin karo Qiimo dhan 65 milyan euro.

Daafacan u dhashay Faransiiska ah ayaa la filayaa inuu saxiixo qandaraas shan sano ah oo uu ku joogayo garoonka Etihad Stadium ilaa sandda 2023, islamarkaana uu si dhaqso leh ugu biiri doono Kooxda uu hogaamiyo Macalin Pep Guardiola.

Laporte ayaa xiran doona funaanada buluuga ah ee Kooxda Manchester City dhamaadka isbuucaan, madaama uu ku dhowaa inuu ku biiro xagaagii 2016 markaa oo lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa aheyd 50 milyan oo euros.


Warkaan ayaa imaanaya maalmo yar ka dib markii uu si cad u amaanay saaxiibkiisa Kepa oo mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda Athletic Bilboa isagoo u saxiixay heshiis cusub.

Macalin Guardiola ayaa doonaya inuu Kooxdiisu ku biiriyo daafac kale oo dhexe, islamarkaana uu doonayo inuu Laporte sii adkeeyn karo Kooxdiisa.

Laporte ayaa sidoo kale ka hadlay heshiiskii uu la gaaray Josu Urrutia, oo ah madaxweynaha kooxda Athletic Bilboa isagoo booqday garoonka tababarka ee Lezama Talaadadii.


Kooxda Manchester City ayaa kalsooni ku qabta in heshiiska la dhameystiri doono maalinimda jimcaha soo aadan.

Kooxda Athletico Bilboa ayaa sidoo kale diyaar u ah inay dib u maalgaliso kooxdeeda lacagta ay ka helaan daafacooda.

 

Mohamed Hassan

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*