Difaaca Kooxda Real Madrid ee Nacho Fernandez Oo Ka hadlay Kulanka Paris Saint-Germain ee Champions league


Daafaca Real Madrid Nacho Fernandez ayaa shaaca ka qaaday in Paris Saint Germain aysan la dhacsaneyn iney la ciyaartoy Madrid wareega 16-ka koobka horyaalada yurub, xilli xidigaan reer Spain la weydiiyay dhawr su’aalood kadib kulankii ay guusha ka heleen Valencia.

Real Madrid si habacsanaan ah ayey xilli ciyaareedkaa ku bilaabatay kulamada horyaalka La Liga madama ay haatan 16-dhibcood ka hooseyso Barcelona, sidoo kalana ay kaalinta labaad kaga soo baxday group-ka H oo ay kula jireen Dortmund, APOEL Nicosia iyo Tottenham Hotspur.


Sidoo kale Real Madrid waxaa laga reebay tartanka Copa del Rey markii ay guuldaro kala kulmeen Leganes kulan ka dhacay Santiago Bernabeu.

Si kastaba, Nacho Fernandez wuxuu aaminsan yahay inaysan jirin koox dooneysa iney la ciyaarto Real Madrid.

“Waan hubaa in sida cad PSG aysan dooneyn iney nala ciyaarto” ayuu yiri Nacho.


“Waxaa nahay Real Madrid, qofna kama cabsano”Waxaa horteena ah tartan weyn oo muhiim inoo ah.

“Waxaan si fiican u awoodnaa inaan ku guuleysano Champions League”

 

Mohamed Xassan

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*