Xiddig Premier League Oo Doonaya In Uu Ku Biiro Kooxda Arsenal


Xiddig khadka dhexe ku fiican kana ciyaara horyaalka Premier league ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu ku biiro kooxda Arsenal si uu Arsene Wenger uga hoos ciyaaro sida ay sheegayaan wararku.


Kooxda Arsenal ayaa hogaaminaysa tartan adag oo ay kooxaha Liverpool Iyo Liverpool ugu jiraan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Watford ee Abdoulaye Doucoure.

Xiddiga khadka dhexe ee reer France ee Abdoulaye Doucoure oo 25 jir ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay ilaa haatan xilli ciyaareedkan taas oo soo jiidatay indhaha kooxaha premier league.

Abdoulaye Doucoure oo ka soo muuqday waraysi ayuu wargayska Telefoot waydiiyay kooxda uu jeclaan lahaa in uu ku biiro Premier League waxana uu ku jawaabay “Kooxda Arsene Wenger ee Arsenal”.


Abdoulaye Doucoure ayaa kooxda Watford kula jira heshiis ilaa 2020 sidaa darteed kooxda Arsenal lacag jaban kuma heli doonto adeega xiddiga.

Laakiin kooxda Watford ayaan xiddiga ka haysan karin riyadiisa ah in uu ku biiro koox weyn hadii ay Arsenal miiska saarto qiime fiican.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*