Thierry Henry Oo Neymar U Sheegay Halka Wado Ee Uu Uga Hoos Bixi Karo Hadhka Messi


Halyeeyga Naadiga Arsenal ee Thierry Henry horayna ugu soo ciyaaray Naadiga Barcelona ayaa Neymar u sheegay halka wado ee uu Uga Hoos Bixi karo Harka Lionel Messi.

Neymar ayaa la sheegayaa in ay sababtii uu Barcelona uga tagay ahayd in uu ka hoos boxo Lionel Messi isla markaasna helo koox uu xiddiga 1-aad ka noqon karo.

Xilli uu xiddiga reer Brazil haatan hogaamiye ka yahay kooxda PSG hadana xiddigii hore ee Naadiga Arsenal iyo Barcelona ayaa aaminsan in ku biiritaanka Naadiga reer France in ayna Neymar ka dhigayn in uu ka hoos baxay hadhka Messi.

Thierry Henry ayaa sheegay in halka wado ee uu Neymar uga hoos bixi karo harka Messi ay tahay in uu gabi ahaan isaga boxo kubada cagta isla markaasna bilaabo ciyaar kale oo uuna Messi ciyaarin.


“Ma garanayo in uu Neymar Kooxda Barcelona uga tagay sidii uu uga hoos bixi lahaa Hadhka Messi”ayuu Henry qeexay.

“Arinta runta ah ayaa ah in dhamaan xiddigaha kubada cagta ciyaara ay ku hoos jiraan hadha Messi, hadii uu Neymar doonayo in uu ka hoos boxo hadhkaas waa in uu badalo ciyaaraha”


Xilli Naadiga PSG iyo Barcelona si wada jir ah qaab ciyaareed fiican ugu jiraan una hogaaminayaan horyaalada ay ka kala ciyaarayaan hadana Lionel Messi ayaa ka goolal badan isaga oo leh 20 gool horyaalka La Liga halka uu Neyamr leeyahay 19 gool.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*