Gareth Bale Oo xalay ka carooday tababare Zidane.


Gareth Bale ayaa xalay si wayn uga carooday tababarihiisa Zinedine Zidane kaas oo aan ku soo bilaabin kulankii xalay.


Laacibka reer Wales ayaa ka tagay kursiga keydka ee Real Madrid qaybtii hore isaga oo ka caraysan sida uu ula dhaqmayo tababare Zidane oo uu ka filayay inuu safi doono kulankii xalay ee Leganes maadama uu maqnaa Ronaldo.

Bale ayaa badal lagu keenay daqiiqadii 76-aad markaas oo lagu badalay Karim Benzema, balse caradiisu intaas oo kaliya kuma e kaan sida uu baahiyay barnaamijka El Chiringuito.

Dhamaadkii ciyaarta kooxda ayaa heshay gool ku laad, Gareth Bale ayaa doonayay inuu tuuro laakiin waa loo diiday, waxaana tuuray kabtanka kooxda ee Sergio Ramos taas oo ka sii caraysiisay.


Bale ayaa isaga baxay garoonka isaga oo aad u caraysan, wuxuuna soo muujiyay in waqtigiisii Real Madrid uu soo idlaaday isla markaana laacibka ayaa qorshaynaya inuu ka tago dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*