Kulanka Arsenal iyo Man City Oo laga Yaabo In La Baajiyo Cimilada Oo Sabab U Ah


Kulanka ay caawa wada ciyaari doonaan kooxaha Arsenal iyo Man city ayaa khatar ugu jira in la baajiyo iyada oo ay sabab u tahay xaalada jawiga Magaalada London.


Magaalada London ayuu ka da,ayaa baraf taas oo keeni karta in kulanka la baajiyo dibna loogu dhigo maalin kale maadama ayna suurtagal noqon karin.


Wargayska Express Sport ayaa Sharaxay in xaalada dibada garoonku ay tahay mid xun taas oo keeni karta in kulanka la baajiyo maadama ay taageerayaashu ku dhibaatoon doonaan in ay garoonka galaan.

Baraf xoogan ayaa ku da,ay London 48-kii saacadood ee ugu damabaysa taas oo sabab u noqon karta in la ciyaari waayo kulanka caawa.

Waxa la filayaa in ay caawa kulanka soo xaadiraan taageerayaal ka badan 60 kun oo taageere taas oo dhib ku noqon karta taageerayaasha.

Nagala soo xariir: warhuban@hotmail.com

Fikirkaaga Waa muhiim ee Asxaabta La Qeybso

Your email address will not be published.


*